Madaxweyne Farmaajo Ayaa Dowladda Kenya Ka Codsaday Inaan Wajeer Lagu Baarin Rakaabka Diyaaradaha Muqdisho Ee Ku Socdo Magaalada Nairobi(Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka furmay kulamo u dhaxeeya madaxda dalalka Kenya iyo Somalia kuwaas oo diirada lagu saarayo iskaashiga labada dal.

Kulumada madaxda ayaa furmay kadib markii madaxweyne Farmaajo si heer qaran ah loogu maamuusay madaxtooyada Kenya.

Labada mas’uul ayaa isku raacay in la dhaqangeliyo qodobo madaxweynaha Soomaaliya uu si gaar ah uga dalbaday dalka Kenya kuwaasoo sida soo socoto ah:

1. In heshiiskii JCC (Joint Commission of Cooperation) dib loo cusbooneysiiyo oo ah heshiis dhigayo in labada dal iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.
2. In labo toddobaad gudahood lagu joojiyo baaritaanada duulimaadka Muqdisho ka yimaado ee lagu baaro degmada Wajeer ka hor inta aysan ka deganin Nairobi.
3. In Qofka wato Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan nooca Service iyo Diplomatic Passport loo ogolaado in visaha dalka Kenya ka qaato garoomada Kenya(Visa on Arival).
4. In la furo Kastamka Xuduudaha Beled Xaawo iyo Mandheere.

Waxaa jiro qodobo kale oo labada madaxweyne ay qalinka ku duugeen balse muhiimad weyn aan xambaarsaneynin.

Dowladda Kenya ayaa xiligan wado dhismaha darbiga weyn oo laga dhisaayo xuduudda u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

shir shir0 shir1 shir2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here