Maleeshiyada Alshabaab Oo Xaley Hub Badan Ka Rartay Saldhigga Degmada Baraawe

Maleeshiyada Alshabaab ayaa xaley weerar culus ku qaaday saldhigga degmada Baraawe oo ay gaccanta ku hayaan maleeshiyo beeleed ka soo jeedo degaanada maamulka GalMudug. 

Shabaabka oo muuqday inay ku howlgalayeen xog horey loo siiyey ayaa si toos u soo galay saldhigga degmada Baraawe oo ay ka rarteen hub fara badan oo halkaasi ay keentay dowladdii hore ee uu madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Laba Afle oo ah horjoogaha maaleeshiyada reer GalMudug saldhiga degmada Baraawe lagu weeraray ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in dhankooda laga dilay 4 askari halka Alshabaab ka dileen tiro gaareyso 7 dagaalyahan.

Warar sugan oo laga helaayo Ilo madaxbanaan oo ku sugan degmada Baraawe ayaa xaqiijinaayo in xaley Alshabaab ay saldhigga degmada Baraawe ka rarteen Sanduuqyo Hub ah iyagoo dab qabadsiiyey labo gaari oo nooca Cabdi Bilaha ah xiligii ay dib u guranaayeen.

Madaxweynihii hore ee xilka ka dhamaaday Xasan Culusow ayaa intii uu xilka hayey degmooyinka gobolka Sh/hooose ku soo daabulay maleeshiyo beeleed ku howlgalaayo magaca ciidamada Xoogga Dalka kuwaasoo ka soo jeedo maamulada GalMudug iyo HirShabeelle.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here