Dhageyso Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa Maanta xaafadda Korontada ee degmada Wadajir ku dilay Xoghayaha maamulka degmada wadajir ee gobolka Banaadir.

Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabayey C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow ayaa waxaa la socday xiliga la dilaayey gudoomiye Waaxeed ka tirsan isla degmada Wadajir kaasi oo isagana ku dhaawacmay weerarka.

Ciidamada ammaanka degmada Wadajir ayaa la sheegay inay ku raad joogaan dableydii fulisay weerarka lagu dilay xoghayada degmada.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here