Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Ayaa Baaq Ku Aadan Ansixinta Golaha Waiirada Cusub U Diray Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka socdeen shirar iska soo horjeedo oo ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka federalka isla markaasina shirarkaasi xildhibaanada qaarkood ay kaga soo horjeedeen Golaha Wasiirada cusub halka qaar kalena ay taageersanaayeen ayaa waxaa arintan murugada leh hadal ka soo saaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu xildhibaanada federaalka ugu baaqay in ay ansixiyaan xukuumada cusub ee uu soo dhisey Ra’isulwasare Xasan Cali Kheyre.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada xasuusiyey in markii horeaba Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha loo dhiibtey wilaayada, sidaasi darteedna ay haboon tahay in loo dhaafaa wixii ay soo dhiseen.

Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoob ayaa sheegey in dalka uu ku jiro marxalad adag, gaar ahaan abaaro gobolada dhan saameyey, sidaasi darteedna aanan loo baahneyn wax walbo oo keeni karo khilaaf iyo dib u dhac cusub.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here