Maamulka Degmada Marka Oo Maanta Joojiyey Qaadkii La Soo Gelin Jiray Degmada Marka Iyo Deegaanada Ku Hareereysan

Maamulka degmada Marka ayaa maanta xanibaad ku soo rogay Jaadkii halkaasi ka soo degi jiray isla markaasina loo gudbin jiray deegaanada ku hareereysan degmada Marka sida Buulo Mareer, Shalambood, Ceeljaalle iyo deegaano kale.

Saakey ayaa ganacsatadii Jaadka ka soo degsan jirtay degmada Marka lagu wargeliyey inaan Jaad loo gudbin doonin xaafadaha degmada Marka iyo deegaano dhowr ah sababo la xiriiro abaaraha deegaanadaan ka jiro aawgeed.

Gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo xaley warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaadka si kumeel gaar ah loo hakiyey abaaraha gobolka Sh/hoose ka jiro darteed.

Jaadkii saakey la keenay degmada Marka ayaa dib loogu celiyey magaalada Muqdisho halka Jawaano kale oo qaad ku jiro loo gudbiyey dhanka degmada Baraawe si halkaas loogu iibiyo.

Ganacsatada Qaadka ayaa doomo yaryar dekedda degmada Marka uga soo degsado Qaadka kadibna u sii qaybiyo gudaha degmada iyo deegaanada ku hareereysan.

Waxgaradka degmada Marka ayaa soo dhoweeyey talaabada lagu joojiyet Qaadka marin habaabiyey awlaadooda iyagoo ugu baaqay maamulka degmada Marka inay gabi ahaanba joojiyaan Qaadka la keeno degmada Marka.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here