Nin Xijaab Iyo Indho-shareer Soo Xirtay Oo Maanta Lagu Qabtay Waqooyiga Magaalada …

Ciidamada nabadgelyada gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa Maanta waxay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku qabteen nin la sheegay in uu ku labisnaa Xijaab iyo Indho-Shareer.

Ciidamada ayaa howlgalkan ku soo qabtay ninkan dambiilaha ah isla markaasina u dhadhiciyey xabsiga dhexe ee magaalada Galkacyo.

Waxaa la sheegayaa in ciidamada nabadsugidda ay baaritaan ku hayaan ninka maanta la qabtay iyadoo aan la garaneynin heybtiisa.

In ragga ku labistaan dharka dumarka gaar ahaan dharka wajiga lagu qariyo ee Indho-shareerka ayaa Soomaaliya looga aqoonsan yahay ninkii xirto inuu yahay dambiile.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here