Wasaaradda Warfaafinta K/Galbeed Oo Beenisay Warar Saacadihii La Soo Dhaafay Laga Baahiyey Madaxda K/Galbeed

Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa beenisay in madaxweyne Shariif Xasan uu qorsheynayo magacaabista ra’iisul wasaare uu yeelanaayo maamulka K/Galbeed. 

Arintan oo saacadihii la soo dhaafay aad loo baahinaayey ayaa sida la sheegay laga soo xigtay madaxweynaha Koonfurgalbeed Shariif Xasan oo mar yiri in maamulkiisa yeelanaayo Ra’iisulwasaare.

Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa warkaan ku tilmaamay mid aysan waxba ka jirin.

“Majiro warkaas, waana dacaayad raqiis ah oo website-yada lagu faafiyey, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan ma dhihin Ra’isalwasaare ayaan magacaabaya, Wuxuu yiri wasiiro la magac ah ayaan sameynaynaa ee ma dhihin Prime minister” ayuu  Ugaas Xasan oo ah wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed kaasoo qoraal kooban soo dhigay boggiisa Facebook.

Waxaa shaley ilaa maanta qaar ka mid ah website-yada Soomaalida ay siweyn u baahinayeen in Shariif Xasan uu sameyn doono Ra’iisulwasaare uu yeesho maamulka K/Galbeed.

Dastuurka Soomaaliya wuxuu u fasaxayaa maamul goboleedyada wasaaradaha qaar inay sameysan karaan balse waxaa ka reeban inay sameystaan wasaaradaha qaar sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul wasaare.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here