Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo Dilay Gabar Ka Dhoofi Rabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Waxaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho dhacdo argagax leh kadib markii nin hubeysan oo ka tirsan ciidamada dowladda uu gabar safar ahayd ku dilay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Marxuumadda la dilay oo socod(lug) ku timid garoonka si ay u haleesho duulimaadka diyaaradii ay raaci lahayd ayaa la sheegay in Askariga dilay uu isku dayey inuu ku qasbo inay ku laabato isgoyska KM4 si halkaas ay uga soo raacdo basas ay leedahay shirkad dadka ka dhoofaayo garoonka diyaaradaha Muqdisho ka ganacsato oo lacago farabadan qaadato.

Warar soo baxaayo waxay sheegayaan in Marxuumadda la dilay ay u degdegsaneyd duulimaadka ay raaci lahayd oo waqtigiisa aad u soo dhowaaday, waxayna dooneysay inaysan diyaaradda ka fakanin.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaco falal aad u argagax badan oo intooda badan geystaan maleeshiyo beeleed ku howlgalo magaca askarta dowladda kuwaasoo aan wax tababar aanan soo qaadanin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here