Dhageys Odeyaasha Beel Xubno Dheeraad Ah Laga Siiyey Golaha Wasiirada Oo Baarlamaanka Ka Codsaday Inuu Si Deg Deg Ku Ansixiyo Xukuumadda

Odeyaasha beesha Hawiye ayaa labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ka codsaday inay si deg deg ku ansaxiyaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha odeyaasha beesha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo maanta warbaahinta isugu yeeray mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah ku ansixiyaan xukuumadda cusub.

Beesha Hawiye ayaa xukuumadda cusub ka heshay 6 wasiir oo Ra’iisulwasaaraha uu dheeraad ka yahay iyadoo beelaha kale ee Soomaaliyeed ay heleen mid 5 Wasiir oo kaliya.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Xasan Xaad

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here