Faahfaahin Laga Helaayo Labo Qof Oo Caawa Lagu Dilay Degmada Dharkeenley Ee Magaalada Muqdisho

Wararka laga helaayo magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in caawa degmada Dharkeeley lagu dilay laba ruux halka labo qof kalena lagu dhaawacay.

Falkan isugu jiro dilka iyo dhaawacaba waxaa geystay nin isticmaalayey Qori uu leeyahay¬†Askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda dowladda Federalka kadib markii askarigan uu qorigiisa u dhiibay gacan ku dhiiglaha. Arintan waxay ka dhacday nawaaxiga Iskuulka “Dhame Yaasiin Cartan” ee degmada Dharkeenley.

Dambiilaha falkan geystay ayaa ku andacoonayo in rasaasta ay kaga fakatay dadkaan masaakiinta ah ee uu naftooda qaaliga ahayd dhaafiyey.

Maamulka degmada Dharkeenley ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan murugada ku abuurtay shacabka degmada.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here