Warbixin: Shariif Xasan Iyo Prof. Jawaari Oo Go’aan Mideysan Ka Gaaray Golaha Wasiirada Cusub Ee Uu Magacaabay Ra’iisulwasaare Kheyre

Intii ay socotay hawlaha doorashooyinka waxaa soo if-baxay khilaaf baraalan oo u dhexeeyey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. 

Khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku hayey hanqal-taag siyaasadeed oo uu Shariif Xasan ku damacsanaa inuu noqdo madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya balse waxaa Shariifka dhuunta qabtay Prof. Jawaari oo markale isu soo taagay qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka. In Maxamed Sheekh Jawaari uu markale noqdo gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa isla qorsheeyey beelaha Hawiye iyo Daarood oo marwalbo iyaga is-weydaarsado labada xil ee dalka ugu sareyso(Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha).

Haddaba, waxaa muuqato inuu dhamaaday khilaafka u dhexeeyo Prof Jawaari iyo Shariif Xasan, waxaa la sheegayaa in labada nin ay hadda isku aragti ka noqdeen Golaha Wasiirada cusub ee la magacaabay. Aragtida mideysan xiligan ee ay qabaan labadan mas’uul waxay yeelaneysaa saameyn xooggan oo laga yaabo inay keento in madaxweyne Farmaajo uu 4-tiisa sano ku dhameysto horumar la’aan.

Prof Jawaari oo todobaadkii hore qoraal rasmi ah ka soo saaray xafiiskiisa ayaa wuxuu ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre uga codsaday in xukuumadiisa uu ku laabto isla markaasina soo waafajiyo nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Dhanka kale, Shariif Xasan ayaa isagana laga soo xigtay inuu ku hanjabay in cawaaqib xumo laga dhaxli doono haddii golaha wasiirada cusub uu Baarlamaanka ansaxiyo.

Shariif Xasan iyo Prof. Jawaari ayaa u muuqdo in xiligan aragtidooda ay ku saleynayaan in si siman loo qaybsado Wasiirada Miisaanka leh iyo kuwa kaleba. Haddii labada mas’uul siyaasadooda ku saleysan tahay qaabkan waxaa dhici karto in xildhibaanada beelaha Dir ay taageeraan qorshaha Jawaari iyo Shariif Xasan oo dhankooda ku xisaabtamaayo xildhibaanada Digil iyo Mirifle.

Balse, warar suuqa la soo geliyey waxay sheegayaan in Jawaari iyo Shariif Xasan ay rabaan kaliya Wasaarada Maaliyadda la siiyo kaliya taasoo hadda lagu magacaabay beelaha Dir, arintan oo u muuqato mid dacaayad ah oo ay suuqa soo geliyeen siyaasiyiinta beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa haddii ay run tahay waxaa hubaal ah in xukuumadda magacaaban la ansixin doono maalinta Arbacada ah maadaama labadii kutlo (Dir iyo Digil/Mirifle) ee isbaheysan lahayd ay isku haystaan cad yar.

Si kastoo ay ahaataba,  xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle kaligooda ma ku filnaan doonaan in codka diidmada kala hortagaan Wasiirada magacaaban haddii aysan helin Isbaheysi xoojinaayo, isbaheysiga ugu dhow waa xildhibaanada beelaha Dir iyo beesha 5aad ee iyagaba lagu bahdilay tirada iyo wasiirada la siiyey.

Beelaha Daarood iyo Hawiye iyaga waxay doonayaan in xukuumadda magacaaban si deg deg ah loo ansixiyo maadaama  xilalka ugu sareeyo ee muhiimka ah ay kala qaybsadeen.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here