Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Wadamada Jaamacadda Carabta Ka Codsaday Inay U Gurmadaan Abaaraha Soomaaliya(Video)

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qayb galayey shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee maanta ka furmay magaalada Amman ee caasimadda dalka Urdun ayaa khudbadiisa inteeda badan ku soo qaatay Abaaraha ka jiro dalka Soomaaliya isagoo dalalka Carabta ka codsaday inay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee abaarta hayso.

Shirka waxaa fadhiyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmaajo oo isagana khudbad ku baxeysay luqadda English ka jeediyey shirka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here