Ra’iisulwasaaraha Britain Oo Saxiixday Ka-bixitaanka Midowga Yurub Iyadoo Laga Cabsi Qabo In Britain Kala Go’do(Sawiro)

Raiisulwasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May ayaa saaka saxiixday Dikreetada uu dalkeeda uga bixi doono ururka Midowga Yurub(EU).

Qoraalkan ayaa maanta gelinka danbe loo gudbin doonaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk oo ku sugan xarunta EU ee magaalada Brussels. Mrs.May ayaa sidoo kale maanta hortagi doonta Baarlamaanka si ay faah faahin uga bixiso qaabka ay u wajaheyso wadahadalka lala galayo Midowga Yurub.

Aftidii la qaaday bishii June ee sanadkii hore 2016 ayey inta badan shacabka Ingiriiska u codeeyeen inay isaga baxaan Midowga Yurub, waxaana bilihii lasoo dhaafay arrintan ay hortaalay Golayaasha Baarlamaanka oo iyaguna ugu danbeyntii dood dheer kadib ansixiyey.

Mar hadii hogaanka dalka UK saxiixo ka bixitaanka Midowga Yurub ee qodobka 50aad ayaa waxaa u bilaabaneysa 2 sano oo la doonayo in lagu soo afjaro gorgortanka dhexmari doona Midowga Yurub iyo UK qaabka ay u kala baxayaan.

Midowga Yurub ayaa doonaya in dalka UK uu bixiyo dhamaan Deynmaha lagu leeyahay kahor intuusan ka bixin EU-da, halka UK ay dooneyso in ay heshiis iskaashi la gasho Midowga Yurub si aan hoos u dhac dhaqaale uga imaan markay ka baxaan suuqa guud ee EU-da.

Badeecada uu soo saaro dalka Britain ayaa waxaa la sheegayaa in 55% loo suuq geeyo dalalka kale ee ururka EU-da.

Ismaamulka Scotland oo kamid ah boqortooyada wadanka Britain ayaa iyaga diidan inay ka baxaan Midowga Yurub, wuxuuna Baarlamaanka maamulka Scotland uu Talaasadii shalay ahayd ansixiyey in markale afti loo qaado in dalkaasi uu ka goosto boqortooyada dalka Ingiriiska.

Dowladda Ingiriiska ayaa goosashada Scotland aad uga soo horjeedo waxayna shardi ka dhigeen inaan xiligan wadahadal laga galeyn midnimada Ingiriiska ilaa wadahadalka hada u bilaabanaya Britain iyo Midowga Yurub laga soo afjaro.

Wadahadalada EU iyo boqortooyada Ingiriiska ayaa noqon doona kuwo wakhti dheer qaata maadaama ay isku xiran yihiin sharuuc badan maadaama dalka Ingiriiska uu xubin kasoo ahaa Midowga Yurub 44t sano.

May signs Brexit May signs Brexit1

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here