Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Oo Ansixiyey Xukuumadda Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre

Waxaa goordhow lagu dhawaaqay natiijada cod maanta loo qaaday golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

241 xildhibaan ayaa kulanka Baarlamaanka soo xaadirtay maanta, waxaana u codeeyey in xukuumadda la ansixiyo 224 mudane, waxaa diiday 15 xildhibaan halka 2 mudane ay ka aamuseen codeynta.

Waxaa kalfadhiga shirgudoominaayey gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey oo uu dhinac fadhiyey kuxigeenka 2aad Mahad Cawad Cabdalla.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here