Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump Oo Gabadhiisa U Magacaabay Xil Muhiim Ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gabar uu dhalay oo lagu magacaabo Ivanka Trump u magacaabay la-taliyahiisa khaaska ah. War ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey arintan.

Donald Trump ayaa Jared Kushner oo ah ninka ay u dhaxday gabadhiisa Ivanka Trump  u magacaabey la-taliyhiisa sare, arintan waxaa si weyn u hadal haayo muwaadhiniinta Mareykanka oo aminsan in Sirta Mareykanka ay khatar ku jirto.

Sida lagu sheegay qoraalka rasmiga ah ee gabadhaan xilka loogu magacaabay, Ivanka Trump wax mushahar ah ma qaadan doonto.

Ivanka Trump ayaa intii uu aabaheeda Aqalka la wareegay ka howlgaleysay xafiiska aabaheeda, iyadoo ka qayb qaadatay soo dhaweynta mas’uuliyiinn Aqalka Cad soo booqday sida Justin Trudeau iyo Angela Markel sida lagu daabacay wargeyska Politico.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here