Dhageyso Gudoomiyaha Degmada Lambar50 Oo Sheegay Inay Fashiliyeen Labo Miino Oo Alshabaab Ku Duugeen Wadada Dhinaceeda

Gudoomiyaha degmada Lambar50 Jeneral C/laahi Waafow oo wareysi siiyey Idaacadda Radio Danan ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Keli Suldaan C/raxmaan Cali Ciise ay ku fashiliyeen labo Miino oo maleeshiyada Alshabaab ay halkaasi ku aaseen.

Gudoomiye Waafow ayaa sheegay inay ka warsugayaan dowladda Federalka si dib loogu cusubooneyso gulufka maleeshiyada hororka ah ee Alshabaab looga sifeynaayo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Jannaale iyo xaafadaha qaar ee magaalada Marka.

Alshabaab ayaa xiliyada habeenkii Miino ku aaso Jidka dheer ee isku xiro degmooyinka Lambar50 iyo Marka taasoo waxyeello ay ka soo gaarto gaadiidka ku safraayo wadadaas iyo rakaab saaran.

Hoos ka dhageyso wareysiga gudoomiyaha.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here