Madaxweynaha Dalka Mareekanka Oo Amaro Cusub Saxiixey

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Dornald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo lagula dagaalamayo ganacsiga dibada islamarkana hoos u dhigaya isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga.

Madaxwayne Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in dib u habayn lagu samaynayo waxyaabaha sababa isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga gaar ahaan Shiinaha iyo Maraykanka.

Sida ay sheegeyso warbixinno la helay Isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweyne Donald Trump uu la kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxayna ku kulmi doonaan Gobolka Florida ee dalka Mareekan.

Donald Trump ayaa intii uu hayay xilka madaxweynenimada Maraykanka waxa uu saxiixay go’aano muran weyn dhaliyay oo aad loo dhaliilay, Wadanka Shiinaha ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada sida weyn ganacsi ula leh dalka Maraykanka, gaar ahaan alaabta la dhoofiyo. .

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here