Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Cusub Ee Xukuumadda Soomaaliya Oo Maanta Xilka Kala Wareegaya Wasiiradii Hore

Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay xilka Wasaaradaha kala wareegaan Wasiiradii hore u haayey xilka.

Qaar ka mid ah Wasiiradii ka tirsanaa Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ayaa maanta xilkooda ku wareejinaya Wasiirada Xukuumadda dhawaan heshay kalsoonida Baarlamaanka fedaraalka.

Ilaa lex Wasiir ayaa la sheegayaa in ay la wareegi doonaan shaqada maanta, Wasaaradaha maanta xilkooda la kala wareejinayo ayaa waxa ka mid ah Wasaaradaha Maaliyada, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Wasaarado kale.

Howlaha Xilwareejinta oo socon doonto muddo Todobaad ah ayaa waxa goob joog ka ahaan doona Ra’iisalwasaaraha ama ku xigeenkiisa, waxaana Wasiirada cusub hor yaallo howlo adag.

Ku dhawaad lex Bilood ma jirin shaqooyin ay qabteen Wasiiradii hore, iyadoo Wasiiradan looga fadhiyo inay qabtaan shaqooyin adag xilli dalka uu ku jiro marxalado kala guur ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here