Ciidamada Itoobiya Oo Faarujiyey Degmada Ceelbuur Iyo Alshabaab Oo La Wareegay

Wararka laga helaayo degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamadii dowladda Itoobiya ee qaybta ka ahaa howlgalka AMISOM ay halkaasi banneeyeen.

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa Ceelbuur ku sugnaa mudo 3 sano ah iyagoo markii hore xoog ugala wareegay maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale, Ciidamada Itoobiya ee ka baxay Ceelbuur ayaa waxay u dhaqaaqeen dhanka degmada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.

Warar soo baxaayo waxay sheegayaan in ciidamada Alshabaab ay la wareegeen degmada Ceelbuur.

Ma la garanaayo ilaa hadda sababta ka dambeyso in ciidamada Itoobiya ay banneeyaan degmada Ceelbuur oo muddo 3 sano ah ay maamulayeen.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here