Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Jubbaland Oo Gaadiid Casri Ah Ka Gudoontay Hay’adda IOM

Ha’yadda Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta garoonka Kismaayo ku guddoontey illaa 3 gaadiid oo ah nooca Hardtop oo casri, islamarkaasina dheereeya, laguna rakibay qalab isgaarsiin ah, kuwaasi oo loo adeegsan doono hawlaha hay’adda.

Gaadiidkan ayaa waxa ay ka hawlgali doonaan deeganada Jubbaland iyadoo la cayimay inay si gaar ah uga howlgali doonaan degmooyinka Kismaayo, Dhoobleey iyo Balad Xaawo.

Munaasaabadda gaadiidkanlagu wareejinayay baabuurta waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan , taliyaha laanta socdaalka heer federaalka Mudane Koofi iyo heer Jubbaland Cabdisalaan Maloow.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Socdaalka(IOM) ayaa gaadiidkaan ugu deeqday maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Saraakiisha laanta socdaalka ayaa sheegey in gaadiidkani uu ka caawin doono sidii loo diiwaangalin lahaa dadka dalka kusoo laabanaya ee xuduudaha kasoo galaya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here