Madaxweynaha Jubbaland Oo Daah-furay Kalfadhigii Sadexaad Ee Baarlamaanka Jubbaland

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa furay kal-fadhigii 3aad ee Golaha Shacabka Jubbaland-Soomaaliya.

Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha shacabka waxaa  goob joog ahaa 52 Mudane oo ka tirsan Golaha iyadoo sidaas uu kulanka ku furmay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulanka furay isagoo Madaxweynaha uga warbixiyay Fasaxii ay mudada ku maqnaayeen iyo booqasho Xildhibaano katirsan Golaha ay ku tageen deeganada ay matalaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa qudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Axmed wuxuu ugu horayn ka hadlay abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in ay sabab u tahay amaanka dalka oo aan wanaagsanayn iyo isku socodka oo xun maadama aan meelaha qaar ee Al-Shabaab ay maamulaan aan wax taakulo ah la gaarsiin Karin.

Isbadalkii dhawaan dalka ka dhacay waxaa Madaxweynaha uu sheegay in uu ahaa mid dadka ay aad usoo dhaweeyeen balse loo bahan yahay in Dowlada iyo madaxda Cusub la garab istaago oo lala shaqeeyo qofka u hooseeya ilaa midka u sareeya si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagto.

Dhinaca amaanka ayuu Axmed Madoobe sheegay in amaanka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale xorta ahba uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taasna ay ka timid isku duubnida Bulshada iyo Ciidanka isagoo Xildhibaanada kula dardaarmay in ay qaby ka qaatan wacyi galinta iyo ku baraarujinta Bulshada sidii ay Ciidamada ula shaqayn lahayeen.

“Amaanku maanta aad buu u wanaagsan yahay arintaasna waxay ku timid dadaal iyo wakhti aan galinay balse waxaa lagama maarmaan ah in aad laftigiinu Bulshada iyo Ciidamada aad sharciyan wacyi galisaan oo aad dadka dhex gashaan” ayuu yiri Axmed Madoobee.

Hay’adaha kala duwan ee maamulka ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in Xarumo loo dhisayo si gaar ahna wuxuu xusay in Tv-ga Jubbaland iyo Wasaarada Warfaafinta dhismo la siiyay oo hada dayactir iyo qalabayn ay ku socoto.

Dib u xurraynta  degmooyinka Alshabaab ay haystaan ayuu Madaxweynaha sheegay in ay tahay wax waajib ku ah dadka iyo maamulka jubbaland in Al-Shabaab lala dagaalamo oo dhulka ay haystaan laga xoreeyo.

“Dhamaan xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo kuwa Xukuumada waa in aan dareeska wada xirana oo aan hawlgalkaas u wada istaagno Shacab iyo Dowlad” ayuu yiri Madaxweynahu.

“Sharciyada dhulka Dowlada ayaa leh mana jirto sabarloog aan ahayn tii Dowladii Siyaad Bare oo shaqaynaysa isla markana dhul lagu haysan karo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe oo arimaha isqabqabsiga dhulka ka hadlaayey.

Dowlada Federalka ayuu xusay in ay dhulka masuul ka tahay oo ay u samaynayso sharci iyo nidaam dhul bixineed oo heer caalami ah intaas waxa ka horeeyana aysan cidina dhulka si iskeed ah isaga dhisan Karin.

Baarlamaanka ayuu Madaxweynaha gaba gabadii ku dhiiri galiyay in ay shaqadooda dar dar galiyaan mudada Dowladan u hartay si wax miro dhal ah ay uga tagaan oo hadhow loogu aayo.

Xigasho: Horseed Media

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here