Markabkii Burcad Badeedda Ay Ka Soo Afduubteen Badweynta Hindiya Oo La Keenay Xeebta Degmada Hobyo

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ilaalada ka ah xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in maanta gelinkii dambe markabkii laga lahaa dalka Hindiya ee lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya uu ku sugan yahay meel ku dhow dekeda degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Markabkan oo ka  diiwaangashan dalka Hindiya ayaa labo maalmood kahor ay burcadda ka soo afduubteen badweynta Hindiya. Waxayna ciidamada Midowga Yurub markii ugu horeysay sheegeen in markabaasi uu ku sugan yahay meelo ku dhow halkii ugu xooganayd ee maraakiibta lagu afduubanayay sanadkii 2011.

Saraakiisha ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda ee Midowga Yurub ayaa intaa ku daray inay socdaan howlgalo iyo baaritaano dheeraad ah sidii loo soo badbaadin lahaa markabkan.

Markabka la afduubtay waxaa saaran 11 shaqaale ah, wuxuuna u rarnaa ganacsato reer Puntland ah iyadoo lagu waday inuu ku xirto dekeda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here