Diyaarad Xamuul Oo Siday Raashin Gargaar Ah Oo Qadarkiisa Yahay 60 Ton Ayaa Maanta Ka Soo Degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Diyaarad Xamuul ah oo ay leedahay shirkadda Turkish Airlines ayaa maanta keentay 60 tan oo isugu jira cunto nafaqeysan iyo daawo loogu talo galay xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta dalka Soomaaliya.

Diyaaraddan xamuulka ah ee maanta soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa keentay gargaar uu asxaabtiisa baraha bulshada ka aruuriyey wiil Faransiis ah oo lagu magacaabo Jerome Jarre kaasi oo aruuriyey lacag dhan hal milyan dollar, wuxuu wiilkan shirkadda Turkish Airlines ka codsaday inay diyaarad xamuul ugu deeqdo gargaarka uu aruuriyey ee Soomaaliya loogu talo galay.

Maamulka shirkadda Turkish Airlines ayaa Jerome Jarre  ka aqbalay codsigiisa isla markaasina ogolaatay in gargaarka uu aruuriyey ay gaarsiineyso Soomaaliya.

 

Abaaro kaalmeyn Abaaro kaalmeyn1 Abaaro kaalmeyn2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here