Dowladda Turkiga Oo Tababareyso Ciidamo Laga Soo Aruurinaayo Maamul Goboleedyada Dalka Si Loo Aasaaso Ciidamada Xoogga Dalka

Waxaa bilihii ugu dambeeyey ka socday duleedka bari ee magaalada Muqdisho dhismaha xero ciidan oo la sheegay in dowladda Turkiga dhiseyso isla markaasina loogu talogalay inn lagu tababaro ciidamada ay yeelan doonto dowladda Federalka Soomaaliya.

Ciidamada loo tababaraayo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa soo gudbinaayo maamul goboleedyada ka dhisan xiligan Soomaaliya kuwaasoo kala ah Puntland, Jubbaland, K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

howlaha diiwaan-gelinta ciidamadan ayaa  laga bilaabay maamul goboleedyada dalka qaarkood sida Puntland oo ay ka socoto qorista ciidamo deegaanadaas matalo. Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in maamulka Jubbaland uu wado qorshe lagu diiwaan gelinaayo ciidamo cusub oo dhowaan Muqdisho loo soo qaadi doono.

Xog aan ka heleyno xafiiska wasaaradda gaashaandhigga dowladda Federalka ayaa sheegayo in maamul goboleedyada 5-ta ee Soomaaliya ka dhisan loo qoondeeyey in loo tababaro ciidamo gaarayo 3 kun askari kuwaasoo noqon doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliya (X. D. S).

Dowladihii dalka soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay haba ugu liidatee tii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay ciidamo ahaan u qoratay maleeshiyo beeleedkii hogaamiye kooxeedyada Muqdisho kuwaasoo hadafkooda kaliya ahaa inay wax bililiqeystaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here