Kismaayo Oo Laga Xusay Sanad Guuradii 4aad Ee Ka Soo Wareegatay Aasaaska Maamulka Jubbaland

Xaflad baraalan oo lagu maamuussayey sanadguuradii 4aad kasoo wareegtey markii la asaasay maamul goboleedka Jubbaland ayaa xaley lagu qabtay magaalada Kismaayo .

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda ugu sareysa ee Jubbaland sida madaxweyne ku xigeenka Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cabdi, guddoomiye ku xigeenka Cabdi Baaleey iyo wasiiro dhowr ah.

Wasaaradda warfaafinta Jubbaland ayaa soo qabanqaabisay munaasabadda, waxaana sidoo kale kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada iyadoo lagu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee suugaanta Soomaaliyeed.

Dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa waxa ay ka sheekeeyeen taariikhihii ay soo martay Jubbaland iyo halgankii loosoo galay asaaskeeda, iyo waliba guulihii laga gaaray.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka qeybqaatay in Jubbaland ay maanta halkan soo gaarto.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here