Dhageyso Horjooge Cali Takfiir Oo DF Ka Codsaday In G.Sh/hoose Dib Loogu Soo Celiyo Maleeshiyo Beeleedkii Guuto 3aad Iyo 5aad Ee Baaba’ay

Horjooge Cali Nuure Maxamed (Cali Takfiir) oo ka mid ah mooryaanta ka timid qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud isla markaasina sheegto inuu ka tirsan maamulka gobolka Sh/hoose ayaa isagoo ka hadlaayo dhacdo ka dhacday gobolka Sh/hoose ku baaqay inuu jeclaan lahaa in markale gobolka Sh/hoose dib loogu soo celiyo maleeshiyo beeleedkii magaca milateriga dowladda federalka huwanaa ee qaabka qabiilka uga dagaalami jiray xiligii dalka uu madaxweyne ka ahaa Xasan Culusow.

Cali Takfiir ayaa horjooge u ahaa maleeshiyo beeleed Habargidir ah oo lagu mideeyey guutooyinka 5aad iyo 3aad kuwaasoo 5 sano dagaallo joogto ah ku hayey deegaanada beesha Biimaal ay ka degto gobolka Sh/hoose gaar ahaan degmada Marka iyo deegaanada kale ee beesha Biimaal ka degto gobolka.

Dowladdii uu madaxweynaa ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad u hubeeyey maleeshiyaad beesha Hawiye ka tirsan kuwaasoo ka barbar dagaalamaayey maleeshiyaadka beesha Habargidir oo dhulbalaarsi u yimid gooblka Sh/hoose.

Hoos ka dhageyso codka Cali Takfiir

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here