Meydka Nin Odey Ah Ayaa Maanta Laga Helay Agagaarka Hotel Curuba Ee Magaalada Muqdisho

Waxaa saakey agagaarka Hotel Curuba gaar ahaan dhanka xeebta laga helay Medka Nin da’diisa u dhexeyso 45 ilaa 50 sano jir kaasi oo loo maleynaayo in Ceejo ama merjis lagu dilay.

Subaxnimadii hore ee saakey ayaa waxaa meydkan arkay dadka deegaanka iyagoo sheegay in marxuumka jirkiisa aanay ka muuqanin rasaas taasoo markii dambe la isku waafaqay in Ceejo/merjis lagu dilay. Meydka qofka uu yahay weli ma la helin dad aqoonsado, waxaa loo badinayaa in lagu soo dilay xaafado kale kadibna lagu tuuray agagaarka Hotel Curuuba ee magaalda Muqdisho.

Ciidamada booliiska maamulka gobolka Banaadir ayaa soo gaaray goobta la soo dhigay meydka isla markaasina u qaaday Isbitaalada Muqdisho si baaritaan loogu sameeyo qaabka loo dilay marxuumka.

Waxaa sanadihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho dilalka noocaan ah oo aan la aqoonin cidda geysaneyso iyadoo Booliiska gobolka Banaadir aysan wax warbixin ah la wadaagin shacabka Soomaaliyeed ee dilalka loo geysanaayo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here