Dowladda Mareykanka Oo Maanta 59 Gantaal Ku Dhufatay Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamada Bashar Al-asad Ee Suuriya

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisey in saakey maraakiibteeda dagaalka ay duqeymo ka fuliyeen garoon diyaaradeed oo ahaa saldhig ciidamada madaxweyne Bashar Al-asad ay ku lahaayeen magaalada Homs ee dalka Suuriya.

Sarkaal u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa xaqiijiyey in saakey 59 gantaal Mareykanka ka tuuray labo Markab dagaal oo fadhiyo badda Mediterranean-ka ay la beegsadeen saldhig ciidamada Bashar Al-asad ay ku leeyihiin magaalada Homs isla markaasina ay baabi’iyeen hub iyo diyaarado dagaal uu leeyahay Bashar Al-asad.

Duqeynta Mareykanka ee Suuriya ayaa timid kadib markii ciidamada madaxweyne Bashar Al-asad ay shacabka Sunniyiinta iyo mucaaradka hubeysan u adeegsadeen hub Kiimiko ah oo aduunka mamnuuc ka ah, waxaana duqeyn hub Kiimiko loo adeegsaday todobaadkan bilowgiisa ku geeriyooday ugu yaraan 100 qof oo shacab u badan.

Dowladda Turkiga oo baaritaan ku sameysay jirka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku daawacmay hubka Kiimikada ah ee ciidamada Bashar Al-asad ay adeegsadeen ayaa sheegtay inay baaritaankooda ku ogaadeen in gantaaladii lagu laayey shacabka tirada badan ay ka sameysnaayeen gaaska la yiraahdo Sarin Gas (C4H10FO2P) ee mamnuuc ah in dadka loo adeegsado.

Waxaa durba cirka isku shareertay xiisadda u dhexeyso Ruushka iyo Mareykanka iyadoo madaxweynaha Ruushka uu sheegay in Mareykanka uu ku tuntay xeerarka caalamiga ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here