Horjooge Sare Oo Alshabaab Ka Tirsanaa Ayaa Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Maleeshiyada Alshabaab ayaa xili dambe oo xalay ah weerar ku qaaday saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMSIOM ku leeyihiin jaziirada Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenka ciidanka Kenya ee gobolka J/hoose Joseph Owouth oo ka warbixiyay dagaalkan ayaa sheegay in Alshabaab markii hore weerar la beegsadeen xerada ciidamada Jubbaland.

Mr. Joseph Owouth wuxuu sheegay in ciidanka KDF dagaalka ay ku biieen si ay ugu hiiliyaan ciidamada Jubaland ee la soo weerray, wuxuu afhayeenka ciidamada Kenya sheegay in khasaare culus gaadhsiiyeen Alshabaab.

Sida uu xusay afhayeenka ciidamada Kenya, waxaa dagaalka lagu dilay maleeshiyaad badan oo Shabaab ka tirsan iyo sarkaal sare oo oo Shabaabka hogaaminaayey kaasi oo lagu magacaabo Baashe Nuure Xasan.

Alshabaab ayaa sanadkii 2013-ka weerar culus oo ay ku qaadeen Jaziiradda Kudhaa ku baabi’iyey xero ciidamada Jubbaland ku lahaayeen halkaasi iyagoo dilay inta badan askartii xeradaas ku sugnaa.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here