Ninkii Shaley Dad Badan Gaari Ku Jiirsiiyey Dalka Sweden Oo La Aqoonsaday Dalka Uu U Dhashay

Waxaa sii kordhay khasaaaraha dhimasho ee weerarkii shaley ka dhacay caasimadda dalka Sweden ee Stockholm. Dhimashada ayaa gaartay 4 qof halka dadka dhaawaca qabo ay tiradooda tahay 7 qof.

Raadiyaha dalka Sweden oo soo xiganaayo xog ay ka heleen hay’adaha sirdoonka dalka Jarmalka ayaa sheegay in ninka xabsiga ku jiro ee lagu tuhunsan yahay faldambiyeedkii shaley uu u dhashay dalka Uzbekistan isla markaasina caruur iyo deganaasho uu ku leeyahay dalka Denmark. Booliiska dalka Sweden ayaa┬áka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ninka ay u soo qabteen dhacdadii shaley ka dhacday magaalada Stockholm.

Gaari weyn oo la soo xaday ayaa shaley ninkan dambiilaha ah uu dad badan oo ku sugnaa wadada Drottninggatan (Jidka boqoradda) ee mashquulka badan uu jiirsiiyey.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here