Maamulka Puntland Ayaa Xukun Dil Ah Ku Fuliyey Dhalinyaro Badan Oo Shabaabnimo Lagu Soo Eedeeyey

Maamulka Puntland  ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fuliyey 5 Dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyey inay khaarijiyeen masuuliyiin ka tirsanaa maamulka Puntland dhamaadka sanadkii hore.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Puntland C/fitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in dhalinyaradan  ay xukun xili hore la riday rafcaan uga qaateen. Gudoomiyaha ayaa sheegay in maxkamad kale ay 19ka  bishii marso ee la soo dhaafay ay dib ugu xukuntay dhalinyaradan dil toogasho ah.

Dhalinyaradan 5-ta ah ayaa maanta lagu toogtay duleedka magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Xukunka Puntland maanta ay fulisay ayaa muran badan ka dhex dhaliyey bulshada Puntland iyadoo maxkamadda maamulka Puntland ay ku adkeysanaayo in dhalinyarada la toogtay ay qirteen eedeeymaha loo soo jeediyey.

Xigasho: Horseed Media

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here