Roobka Xiliga Gu’ga Oo Maanta Ka Hooray Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayo in maanta gobolkaasi ay raxmadda Alle ka hoortay, sida ay noo sheegeen dad ku sugan degmooyinka gobolka qaarkood.

Degmooyinka Afgooye, Jannaale iyo Qoryooley oo ah dhulka ay ku yaallin beeraha ugu wax-soo-saarka badan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in degmooyinka uu ka curtay roobka xiliga Gu’ga kaasoo dadka iyo duunyadaba ay ku nimceysteen.

Waxaa la gaaray xiligii Gu’ga oo roobab lixaad leh ay ka da’aan gobolada dalka Soomaaliya oo roob ba’an ay ragaadisey dhowrkii sano ee is-xig-xigay.

Sida kale, deegaanada laga dareemay shaaxada roobka waxaa ka mid ah deegaanada Haduuman, Waagaadi, Mushaani, Maduulow, Farxaani, Ugunji, Busley Daa’uud, Shalambood, Buulo Mareer, Golweyn Ceelwareegow, Gandaawi, Buufow, Sagaaroole iyo deegaano dhowr ah oo isla gobolka ah.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here