Shacabka Isticmaalo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Qaati Ka Taagan Shirkadda SAHAL Oo Lacago Xad-dhaaf Ah Ka Qaadato

Shirkad lagu magacaabo SAHAL ayey dowladdii hore ee Xasan Sheekh waxay u saxiixday in qof walbo oo ka dhoofaayo ama ka soo deganaayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay ka qaadato lacago, lacagtaasoo lagu bedelanaayo adeeg qasab ah.

Shirkadda SAHAL waxay xarun dadka Musaafirka ah lagu aruuriyo ka furatay isgoyska KM4 halkaasoo basaskeeda qofka musaafirka ah uga qaadaan garoonka diyaaradaha Muqdisho. Qof walbo oo dhoofaayo waxaa qasab ku ah inuu raaco baska shirkadda SAHAL.

Todobaadkii hore, askari waardiye ka ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wuxuu dilay gabar musaafir ahayd kadib markii ay timid garoonka iyadoo aan soo raacin Basaska shirkadd SAHAL.

Lacagaha Shirkadda SAHAL Ka Qaado Shacabka

  1. Qofka shacabka ah ee dalka dibadiisa u dhoofayo  waxaa laga qaadayaa $11(Toban iyo kow dollar).
  2. Qofka shacabka ah ee gobolada dalka u dhoofaayo waxaa laga qaadayaa lacag dhan $6(lix dollar).
  3. Qofka ka soo dego garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay ka qaadeysaa shirkadda SAHAL lacag dhan $3(Sadex dollar).

Haddaba, haddii aad gaari khaas ah ama aad lugtaada ku timaado garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaad khatar ugu jirtaa in Askari ku dilo ama diyaaraddii aad raaci lahayd lagaa reebo.

Shacab badan oo isticmaalo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaan qaati ka taagan lacagaha xad-dhaafka ee shirkaddan ka qaato isla markaasina ilaa hadda  aanan helin meel ay uga dacawoodaan shirkaddan SAHAL oo ay ku tilmaameen Isbaaro cusub.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here