Taliyaha Cusub Ee Ciidamada Milateriga Dowladda Federalka Ayaa Kaalin Weyn Ka Qaatay Dagaaladii Sokeeye Ee Dalka Ka Dhacay

Iyadoo dhowaan madaxweynaha dowladda Federalka uu magacaabay Taliyaha iyo Abaanduulaha ciidamada Milateriga dowladda Federalka ayaa waxaa soo baxaayo in taliyaha ciidamada Milateriga ee la magacaabay uu leeyahay taariikh madoow oo ku saabsan dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa horey uga soo qeybqaatay dagaaladii sokeeye, gaar ahaan wuxuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii jabhaddii USC, waxaana lagu xusuustaa dowrkii uu ka qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo gobolada koonfureed.

Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid ayaa ka tirsanaa taliyeyaashii ka hoos shaqeynaayey hogaamiye Maxamed Faarax Ceydiid oo dagaallo dhiig badan ku daatay ka abuuray gobolada Banaadir, Sh/hoose, Jubbada Hoose, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Bay.

Arintan ayaa ah mid mugdi galineyso heerka ay madaxweyne Farmaajo dhab ka tahay balanqaadkiisii ahaa in uu dalka xasilooni kusoo dabaalayo, islamarkaasina ka dhabeeyo rajadii wanaagsanayd ee laga qabay dowladnimo dib ugu soo laabato dalka Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii dhibbanaha u ahaa ciidamadii Jeneral Ceydiid ee uu ka tirsanaa General Cirfiid ayaa isha ku haayo talaabooyinka uu qaadi doono Sarkaalkan loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Milateriga oo gacmahiisa dhiig uu ka da’aayo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here