Dhageyso Jubbaland Ayaa Ka Warbixisay Horjooge Sare Oo Alshabaab Ay Uga Dileen Gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada Jubbaland oo gacan milateri ka helaayo ciidamada Kenya ayaa todobaadkan gudahiisa gobolka Jubbada hoose ku dilay horjooge sare oo ka tirsan mintidiinta Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanto Koonfurta, bariga iyo bartamaha Soomaaliya.

Horjoogahan la dilay oo lagu magacaabo Baashe Nuure ayaa waxaa lala dilay tiro ka mid ah ilaaladiisa oo xiligaas ilaalineysay.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee deegaanka Kudhaa Nuur Mahad Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bartilmaameedkooda uu ahaa dilka Baashe Nuure.

Hoos ka dhageyso codka taliyaha ciidamada deegaanka Kudhaa:

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here