Doon Ay Burcad Badeed Ku Haysteen Gobolka Mudug Oo Maanta Laga Sii Daayey

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee xeebta gobolka Mudug Cabdullaah Axmed Cali  ayaa sheegay in iyagoo Kaashanaya Guurtida Deegaanka ay soo furteen doon ganacsi iyo shaqaalihii saarnaa oo ay xeebaha Galmudug ku heysteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in iyadoo la adeegsanayo Awood Ciidan lasoo badbaadiyay 2 ka mid ah shaqaalaha Doonta Al-Kowsar oo saarnaa doontii aduubka loo heystay.

“Ciidamo iyo Odayaasha deegaanka ayaa soo furtay doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed iyo laba kamid ah shaqaalihii la socday, hadda shaqaalahaasi wey Caafimaad Qabaan doontiina gacanteena ayay ku jirtaa” ayuu yiri guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay.

Ugu dambeyn, Doonta Al-kowsar ayaa dhowaan koox burcad badeed ah waxay ka afduubteen Xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yeman, iyagoo gabaad ahaan ula soo galay xeebaha gobolka Mudug, gaar ahaa xeebta degmada hobyo ee maamul goboleedka Gal-mudug

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here