Gabdho Ku Labistay Calanka Soomaaliya Iyagoo Ku Sugan Magaalada Hargeysa Ayaa Xabsi Ku Jiro In Ka Badan 2 Bilood(Video)

Gabdho ku labistay Calanka dalka Soomaaliya iyagoo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa waxaa xabsiga u taxaabay Booliiska Somaliland, gabdhan oo tiradooda tahay 4 ayaa mudo ka badan labo bilood ku xiran xabsiga magaalada Hargeysa.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo wax eedeymo ah ku weysay gabdhahan xiran ayaa waxaa xukunkaasi racfaan ka qaatay Xeer ilaalintii dambiga ku soo oogtay gabdhaha xiran

Maxkamadda Racfaanka Somaliland ayaa dhankeeda diiday in damaanad lagu sii daayo gabdhaha xabsiga jiifo.

Xeer ilaalinta ayaa gabdhahan ku eedeeyey inay si jees jees ah calanka Soomaaliya ugu soo labisteen magaaladai Hargeysa, waxayna xeer ilaalinta sheegeen in gabdhaha habdhaqankooda uu wax u dhimayey amniga qaranka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here