Jubbaland Oo Diiwaan Gelineyso Ganacsatada Dekedda Kismaayo Ee Badeecada Ka Dhoofisa Ama Kuwa La Soo Dego

Wasiirka Ganacsiga Jubbaland Mudane Fariid Jaamac ayaa shaley soo saaray wareegto uu ku amrayo in ganacsatada wax ka dhoofisa ama kala soo degta dekada Kismaayo ay iska soo diiwaangaliyaan wasaaradda ganacsiga.

Waxa uu sheegey in shatiyada ganacsiga ay muhiim u yihiin kor u qaadista ganacsiga iyo aqoonsiga dawliga ah ee ay helayaan ganacsatada, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in shatiyada la qaato.

Jubbaland ayaa ka mid ah maamul goboleedyada ugu tayo fiican maamul goboleedyada Soomaaliya laga dhisay marka la fiiriyo dhanka horumarka iyo dowladnimada.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here