Tirada Saraakiishii Iyo Askartii Ku Dhimatay Qarax Maanta Ka Dhacay Xerada Ciidamada Ee Warshada Nac-naca Oo Sii Korortay

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Warshadda Nac-naca uu aad u sii kordhay.

Ugu yaraan 11 askari oo ay ku jiraan labo sarkaal ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka dhaawacana uu gaarayo ku dhowaad 20 askari iyadoo xiliga qaraxa dhaccay ay xerada ka socotay howlo tababar askar.

Ninka fuliyey weerarkan oo xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku ekeysiiyay ciidamada tababarka uga socday xerada, waxaana uu beegsaday ciidan iyo saraakiil meel ku sheekeysanaayey.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacday xerada ciidanka Warshadda Nac-naca, Shabaabka waxay sheegteen inay dileen 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil iyo tababarayaal ciidan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here