Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DF Oo Shaaciyey In Dowladda Sacuudiga Ay Qaaday Xayiraadii Saarneyd Xoolaha Soomaaliya (Video)

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa dowladda Federalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa warbaahinta u sheegay in la qaaday xayiraaddii Sacuudiga uu saaray Xoolaha Soomaaliya ee dalkaas loo dhoofin jiray.

Wasiirka oo ka warbixinaayey dhaqaatiir Sacuudiyaan ah oo dhanka Xolaha qaabilsan kuwaasoo booqday dhowr maxjar oo xoolaha Soomaaliya lagu daryeelo ka hor inta aan la dhoofinin ayaa waxaa uu sheegay in xoolaha Soomalida ay waafaqeen dhamaan shuruudaha dhanka Tayada iyo caafimaadka ee looga baahan yahay in laga helo xoolaha caalamka loo dhoofiyo.

Hoos ka dhageyso Wasiirka oo warbaahinta la hadlaayo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here