Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Oo Sharciyo Meelmariyey

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaley meel mariyay xeer hoosaadka ay ku shaqeyn doonaan.

Kullankii shaley ay ku yeesheen xubnaha oo ka dhacay magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa soo xaadiray 35 mudane, iyadoona uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qorshaha kullanka mudaneyaasha Aqalka Sare ayaa ahaa akhrinta, ka doodista iyo ansixinta xeer hoosaadka Aqalka Sare, sida Guddoomiyaha uu sheegay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kullanka ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Waxaan u mahadcelinayaa guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare, wax wanaagsan ayay soo qabteen guddiga waqti badan ayay galiyeen ka shaqaynta xeer hoosaadka aan ku shaqaynayno”.

Xeer hoosaadka ayaa akhrintiisa iyo doodiisa waxa ay soo bilaabatay 25-kii Feberaayo, waxa uuna ka kooban yahay 10 cutub iyo 98 qodob.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin meelmarinta xeerarka, waxaana ay sheegeen in wax badan uu ka caawin doono xeerkaasi kullamada iyo shaqada Aqalka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here