Madaxweyne Farmaajo Oo Xilal Ciidan U Magacaabay Dagaal-ooge Yuusuf Indhacadde Iyo Dambiileyaal Kale

Isagoo maanta ka qaybgalaayey xuska  12 April ee ku beegan 57 sano guurradii ka soo wareegatay aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegayo in madaxweyne Farmaajo uu xilal ciidan u magacaabay dagaal-oogeyaal dhiigya cab ah oo dhibaato ba’an u geystay shacabka ku dhaqan gobolka Sh/hoose.

Nimanka mooryaanta ah ee uu Madaxweyne Farmaajo xialka ciidan u magacaabay waxaa ka mid yahay Yuusuf Indhacadde oo lagu xasuusto dhibaatadii uu ka geystay gobolka Sh/hoose xiligii dowladdii Xasan Culusow iyo waagii hogaamiye kooxeedyada.

Sidoo kale, dagaal-oogeyaasha uu madaxweyne Farmaajo xilka u magacaabay waxaa ku jiro Qaafow iyo Cagey oo ka mid ahaa saraakiishii beesha Hawiye ee Xasan Culusow u soo xilsaaray inay baabi’iyaan shacabka beesha Biimaal ee gobolka Sh/hoose iyadoo nimankan lagu xasuusto dowrkii weynaa ee ay ku lahaayeen barakicinta iyo dabkii la qabadsiiyey degmada KM50 iyo kaalintii ay ka geysteen in maamul mooryaaneetkii Shabelle State ay ku qabsadaan degmada Marka halkaasoo ay ka geystaan tacaddiyo kala duwan oo dil, barakicin iyo kufsi intaba lahaa.

Weli ma la shaacinin jagooyinka iyo xilalka uu Farmaajo u magacaabay nimankan gacmahooda uu ka da’aayo dhiigga shacabka Sh/hoose, waxaana idiin soo gudbin doonaa goordhow jagooyinka loo kala xirsaaray mooryaantaan weli u ooman dhiigga shacabka gobolka Sh/hoose.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here