Nin Dhaqtar Ah Oo Ku Safri Rabay Diyaaradda United Airlines Ayaa Si Xun Loogu Jirdilay Diyaaradda Dusheeda(Video)

Maamulka Shirkada Duulimaadka ee UNITED AIRLINES ayaa raaligelin ka bixisay jirdil loo geystay mid kamid ah rakaabkeeda oo si khasab ah looga dajiyey diyaaraddan.

Muuqaal laga duubay dhacdadan oo si weyn loogu baahiyey baraha bulshada ku wada xiriirto ee internetka ayaa keentay in shacabka dunida iyo macaamiisha shirkada ay ku dhawaaqaan inay joojin doonaan ku safridda diyaaradaha UNITED AIRLINES.

Shirkadda diyaaradaha UNITED ayaa waxaa dhaqan u ah inay ticket-ka ay Online ku iibiyaan ka badiyaan tirada rakaabka ay diyaarada qaadi karto, iyagoo ku tashanaya in dadka ticketka goosta qaarkood ay baaqdaan.

Ninka muuqaalka hoose ka muuqdo waa Dr David Dao oo ah dhaqtar ka howlgalo mid ka mid ah Isbitaalada Mareykanka, da’diisa waa 69 sano jir, asalkiisa wuxuu ka soo jeedo dalka Vietnam, wuxuu saarnaa duulimaadkii UNITED AIRLINES ee kasoo baxayey magaalada Chicago ee ku sii jeeday magaalada Louisville ee isla dalka Mareykanka.

Dr David Dao Waxaa loo sheegay inuu ka dego diyaarada isla markaasina la saari doono diyaarad kale oo xili dambe dhaqaaqeysay, wuuna diiday arrintaasi. Shaqaalaha diyaarada ayaa ka codsaday ciidamada amaanka inay si juujuub ama xoog ah ninkaasi diyaarada uga saaraan.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here