Deegaanka Ceeljaalle Oo Laga Hirgaliyey Saldhig Booliis Oo Loogu Adeegayo Bulshada Deegaanka(Sawiro)

Waxaa markii ugu horeysay deegaanka Ceeljaalle ee duleedka degmada Marka laga hirgaliyey Saldhig Booliis oo u adeego bulshada deegaanka.

Waxaa munaasabadda xarigga looga jaraayey saldhigga cusub ku sugnaa Gudoomiyaha deegaanka Ceeljaalle Sheekh Yuusuf Cismaan iyo gudoomiyaha degmada Raaxoole (Ex. KM50) C/laahi Waafow oo maalmahaan marti ku ahaa deegaanweynaha Ceeljaalle.

Taliyaha cusub ee saldhigga Booliiska Ceeljaalle Maxamad Abuukar Owliyo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu bulshada deegaanka u adeegi doono.

Deegaanka Ceeljaalle oo sanadihii ugu dambeeyey koboc dhan walbo leh laga dareemaayey ayaa waxaa ku yaallo Xero weyn oo ciidan taasoo hadda ay degan yihiin ciidamada  AMISOM iyo ciidamo Milateri ah oo deegaanka laga dhisay.

Hoos ka daawo Sawirada

saldhig Booliis Ceeljaalle saldhig Booliis Ceeljaalle1 saldhig Booliis Ceeljaalle2 saldhig Booliis Ceeljaalle3 saldhig Booliis Ceeljaalle4 saldhig Booliis Ceeljaalle5

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here