Ciidamo Ka Socdo Dalka Mareykanka Oo Dhowaan Soo Gaaray Qaybo Ka Mid Ah Somaaliya

Dalka Maraykanka ayaa ciidamo dheeraad ah u soo diray dalka Soomaaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho oo horey ay u joogeen ciidamo kale oo u badan saraakiil tababaro siiyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay codsatay in la soo kordhiyo tirada saraakiisha Mareykanka ee Soomaaliya ka howlgalo, waxaana la sheegayo tiro kooban oo ciidamo Marerykan ah ay 2-dii bishan April ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) oo lagu magacaabo Pat Barnes ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya yimid wadashaqeyn dhinacyo badan la yeelan doonaan ciidamada kala duwan ee Soomaaliya ka hwlgalo.

“Ciidanka  Mareykanka  ee AFRICOM waxaa ay fulin doonaan howlgalo ciidan iyo wadashaqeyn dhinacyo kala duwan ah inta ay Soomaaliya joogaan, si loo caawiyo isbaheysigeena iyo saaxiibadeena”, ayuu yiri Pat Barnes.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bishii hore sheegay inuu awood dheeraad ah siiyay ciidamada maraykanka ee Bariga Afrika ka howlgala , iyadoo koonfurta Soomaaliyana uu ku tilmaamay aag dagaal.

Waa ciidamadii ugu badnaa ee dalka maraykanka u soo diro Soomaaliya tan iyo 1994-tii oo ciidamo badan maraykanka ka tirsan isla markaasina qayb ka ahaa howlgalkii “Operation Restore Hope” ee UNOSOM.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here