Dowladda Itoobiya Oo Qaab Siyaasadeysan U Ciqaabeyso Dowladda Madaxweyne Farmaajo

Tan iyo markii Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku soo baxay madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa soo shaac baxday in xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeyo Itoobiya iyo Soomaaliya inuu sii xumaaday.

Dowladda Itoobiya oo rajeyneysay inay hesho mahadnaq balaaran iyo booqasho deg deg ah oo uu madaxweyne Farmaajo ku tago magaalada Addisababa ayaa ogaatay in Siyaasadda Somalia aysan ahaynin sidii horey uga baratay sanadihii la soo dhaafay.

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay ciqaabto dowladda Somalia iyadoo ciidamadeedii ka tirsanaa howlgalka AMISOM kala soo baxday magaalooyin ku yaallo bartamaha Somalia oo maanta ay ugu dambeysay degmada Dhuusamareeb oo caawa aysan joogin ciidamo Itoobiyaan ah.

Wararka Galgaduud laga helayo waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee maanta Dhuusamareeb sida kediska ah uga soo baxay ay u baqoleen dhanka Ismaamulka Soomaaida Itoobiya.

Waa degmadii 2aad ee ku taala gobolka Galgaduud ee ciidamada Itoobiya  ay iskaga baxaan tan iyo inta uu xilka hayo madaxweyne Farmaajo iyadoo maalmo ka hor ciidamada Itoobiya ay Alshabaab u soo banneeyeen degmada Ceelbuur.

Dib u gurashada ciidamada Itoobiya ee gobolada Soomaaliya qaarkood wuxuu dhabarjab ku yahay dowladda Soomaaliya oo aanan haysanin ciidamo tayo leh oo Alshabaab ka difaacan karo xataa hal tuulo.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here