Booliiska Dalka Mareykanka Oo Qabqabtay Dhalinyaro Badan oo Soomaali Ah

Booliiska dalka Marekanka ayaa howlgallo ballaaran oo todobaadkii hore ay ka fuliyeen gobolka Atlanta ee dalkaasi ku soo qabqabtay in ka badan 10 dhalinyaro Soomaali.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalada lagu baadigoobayo dadka sharci darrada ku joogo dalka Mareykanka laga fulin doono dhammaan gobolada dalkaasi.

Booliiska Mareykanka ayaa howlgalkooda la kaashanayo hay’adda Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalkaasi taasoo bixineyso macluumaad la xiriiro dadka aan dalka ku joogin sifo sharci ah.

Gudoomiyaha Soomaalida gobolka Atlanta Cumar Abuukar  oo la hadlay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in howlgalada Booliiska Mareykanka ee lagu beegsanaayo dhalinyarada Soomaalida uu khalkhal ku abuuray Jaaliyadda Soomaalida dalka Mareykanka..

Safaaradda dalka Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa toddobadkii hore shaacisay in dad Soomaali ah oo tiradooda gaareyso 4,000 laga tarxiili doono dalka Marekanka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here