Danjiraha Wadanka Jabuuti U Fadhiyo Qaramada Midoobey Oo Dowladda Eritrea Ku Eedeeyey Inay Taageerto Kooxda Argagaxisada Ah Ee Alshabaab

Wakiilka joogtada ah ee dalka Jabuuti u fadhiyo Qaramada Midoobey Maxamed Saciid Ducaale ayaa warbixin uu gaarsiiyey Golaha Ammaankawuxuu ku caddeeyey inay wali jirto khatarta ururka Argagaxisada ee Alshabaab.

Warbixinta Mr. Ducaale uu u gudbiyey Golaha Ammaanka ayaa si ba’an loogu dhaliilay dowladda Eritrea inay taageero isugu jirto Hub, tababarro iyo weliba magangalyo ay siiso Mintidiinta Alshabaab ee ka dagaalanto Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, Wakiilka Jabuuti Wuxuu dowladda Eritrea ku eedeeyey inay maalgelineyso isla markaasina saldhigyo siineyso kooxo mucaarad hubaysan ah oo isku diyaarinaya inay qalalaaso ka abuuraan gudaha dalka Jabuuti.

Danjire Maxamed Saciid Ducaale ayaa taageerray in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ka howlgallaya dalka Soomaaliya si ay awood ugu yeeshan in Soomaaliya laga baabi’iyo ururka argagaxisada Alshabaab.

Dowladda Eritrea ayaa la sheegay in xiligan dalkeeda ay ku diyaarineyso fallaago hubeysan oo la doonayo inay la dagaalamaan madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle si ay xukunka dalka Jabuuti uga qabsadaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here