Dhaqtar Muslim Ah Oo Lagu Soo Eedeeyey Inay Gabar Gudniin Ku Sameysay Ayaa Laga Yaabaa In Lagu Xukumo Xabsi Daa’in

Dhaqtarad Muslim ah oo deggan magaalada Detroit ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo eedeeyey inay gudniin ku sameysay gabar yar oo da’deeda u dhexeyso 6 ilaa 8 sano jir ah.

Dhaqtaradda oo lagu magacaabo Jumana Nagarwala ayaa iska difaacday eedeymaha loo soo jeediyey ee ah inay dalka Mareykanka gudahiisa ay ka fulisay Gudniinka Gabdhahaa yar oo looga yaqaano dalkaasi Female Genital Mutilation(FGM).

Xeer ilaalinta soo eedeysay Drs Jumana Nagarwala ayaa ku adkeysanaayo inay gabdho badan ku sameysay gudniinka oo aan laga ogoleyn dalka Mareykanka.

Haddii Drs┬áJumana Nagarwala ay ku cadaato inay fulisay Gudniinka lagu soo eedeeyey waxay muteysan doontaa Xabsi Daa’im sida uu qabo sharciga Mareykanka u qaabilsan FGM(Femal Genital Mutilation).

Dalka Mareykanka waxaa dambi weyn ka ah in gabdhaha la gudo iyadoo ficilkan loo aqoonsan yahay mid lagu naafeynayo xubinta Taranka Dumarka (Female Genital Mutilation).

Mareykanka ayaa sanadkii 1994-kii meelmariyey sharci manuucayo in gabdhaha ku nool dalkaasi la gudo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here