Dhageyso Burcad Badeed Labo Qof Oo Meyd Ah Iyo Mid Dhaawac Ah Ku Soo Tuuray Xeebta Degmada Laasqoray

Maamulka Degmada Laasqoray ayaa ka warbixiyey maydka labo nin oo la sheegay inay burcad badeed ahaayeen kuwaas oo xalay saqdii dhexe ay doon yar oo kaluumeysi keentay deegaan xeebeedka Durduri oo hoos yimaado degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Laasqoray C/laahi Axmed Maxamuud oo u waramay Radio Garowe ayaa sheegay in labadaan nin ay qeyb ka ahaayeen sagaal nin oo burcad badeed ah kuwaasoo maalmo ka hor ka baxay degmada Boosaaso isla markaasina isku dayey inay qabsadeen markab ganacsi oo marayay xeebaha gacanka Cadan.

C/laahi Axmed Maxamuud waxa uu sheegay in labada nin ee maydka ah ay ku dhinteen is rasaaseyn dhexmaray burcad-badeedda iyo ciidamada ilaaliyo markaakiibta ku safarto xeebaha ku beegan dalka Somalia ee burcad badeedda ku badan tahay. Sida maamulka Laasqoray uu sheegay waxaa jiray nin 3aad oo isagoo dhaawac ah la soo dhigay xeebta kaasoo bixiyey xogta ah inay ahaayeen 9 qof.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here